waagii dhagaxa
(m.l)

(waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waagii dhagaxa

waagii dhagaxa ee hore [m.l]
(taar.) Waagii hore ee dhagaxa, dadkuna dhagaxa ay u adeegsan jireen qalab ama hub ahaan.

waagii dhagaxa-dambe [m.l]
(taar.) Wuxuu sheegayaa waxyaabaha la xiriira waqtigii taariikhda ka horeeyey, markii ay dadku bilaabeen beerashada, laakiin dhagaxa ay waqtigaas u isticmaali jireen qalab ahaan, waqtigaas oo dhamaaday 9000-6000, dhalashadii Nebi Cise horti koonfur-galbeed Aasaiya, 4000 ilaa 2400 Nabi ciise horti ee Yurub.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg